Siirry pääsisältöön

YKA, ururrada shaqaale xirfadeedka iyo nolosha shaqada ee Finland

Waxbarashada sare ee xirfadda bulshada, ee loola jeedo YKA waxay u taagan tahay ama matashaa aqoonyahannada leh waxbarashada sare ee xirfadda bulshada. Akhri wax dheeraad ah!

Ururrada shaqaale xirfadeedka

Waa maxay ururka shaqaale xirfadeedka?

Ururka shaqaale xirfadeedka waxaa uu ka shaqeeyaa hore u socodsiinta danaha xubnihiisa.

Ururka shaqaale xirfadeedka waxaa uu shaqo bixiyaha kala hadlaa arrimaha ku saabsan mushaarka, saacadaha shaqada, fasaxyada iyo arrimaha kale ee shuruudaha shaqada. Sharciyada shaqada ee Finland waxaa ay si dabacsan u qeexayaan shaqo qabashada. Sidaas awgeed ayay muhiim u tahay, in ururrada shaqaale xirfadeedku ay ilaaliyaan oo ka taxaddaraan danaha iyo xuquuqda shaqaalaha.

Wakiillada shaqaalaha ayaa kugu caawin doona goobta shaqada. Waa shakhsiyaad uu soo tababaray ururka shaqaale xirafadeedka, kuwaasoo caddayn doona dhibaatooyinka, islamarkaana ilaalin doona, in shaqobixiyuhu uu u hoggaansamay heshiiskii sida wadajirka ah loo gaaray iyo in kale. Haddii aad wax su’aalo ah qabto, waxaad la xiriiri kartaa wakiillada shaqaalaha ama khubarada ururkaaga shaqaale xirfadeedka.

 

Waa maxay sababta looga mid noqonaayo ururka shaqaale xirfadeedka?

Haddii aad tahay xubin ka tirsan ururka shaqaale xirfadeedka, waxaad talosiin iyo caawimaad ku saabsan su’aalaha la xiriira shaqada ka heleysaa wakiillada shaqaalaha, khabiirrada ururka xirfadlayaasha, iyo saaxiibbada shaqada ee aad isku xirfadda tihiin. Waxaa intaas dheer oo aad ka qaybqaadan kartaa waxbarashada xirfadaha, tababarrada, munaasabadaha iyo barnaamijyada ku saabsan hagista qofka shaqada ku cusub, sidoo kale waxaad heleysaa u tababarista xirfadda, iyo samaysashada shabakadda xiriir-wadaagga.

Haddii aad ka shaqayso shaqo caadi ah ama mid joogto ah, waxaa xubin ka noqon karataa khasnadda shaqala’aanta (työttömyyskassa). Haddii aad shaqala’aan noqoto, islamarkaana aad buuxisay linkiga shuruudaha xaaladda shaqo, waxaad heli kartaa lacag maalmeedka mushaarka ku xiran. Lacag maalmeedka shaqala’aanta ee ku xiran mushaartka ee ay khasnaddu bixiso, inta badan waa ay ka badan tahay lacag maalmeedka ay Kela-du bixiso, sidaas awgeed xubinnimada khasnadda waa mid ay adiga dhaqaale ahaan dantaadu ku jirto.

Sidoo kale ardayga waxaa la gudboon inuu xubin ka noqdo ururrada shaqaale xirfadeedka xilliga uu waxbarashada ku jiro. Haddii aad sidoo kale ku biirto xubinnimada khasnadda shaqala’aanta, waxaa kuu uruuraaya shuruudaha xaaladda shaqo. Arrinkaan waxaa loola jeedaa, haddii aad noqoto shaqala’aan marka aad waxbarashada dhammayso kaddib, waxaad leedahay fursado wanaagsan oo ah in aad hesho lacag maalmeedka shaqala’aanta ee ku xiran mushaarka.

YKA

Waxbarashada sare ee xirfadda bulshada, ee loola jeedo YKA waxay u taagan tahay ama matashaa aqoonyahannada leh waxbarashada sare ee xirfadda bulshada.

Xubnaheennu waxaa ay u shaqeeyaan tusaale ahaan dowladda, degmooyinka iyo isutagga degmooyinka, shirkadaha, ururrada, aaggaga nololwanaagga iyo dugsiyada tacliinta sare. Xubnaheenna waxaa ka mid ah khubaro, mas’uuliyiin, madax iyo khabiirro xirfadda waxbarashada ah.  Waxaan ka koobannahay bulsho ka badan 13 000 oo ah xirfadlayaal laamaha bulshada ka mid ah.

Xubinnimada YKA, waxaad ku heleysaa arrimaha ay ka midka yihiin

  • Adeegyada sharciga ee khuseeya shaqada iyo nolosha khaaska ah
  • Talosiinta mushaarka, tusaale ahaan caddaynta mushaarka la doonayo ama taageerada wadahadalka ku saabsan kordhinta mushaarka
  • Adeegyo kala duwan oo khuseeya xirfadda shaqada, sida tababarka xirfadda iyo adeegyo taageero u ah dhanka nololwanaagga xirfadda
  • Waxbarasho iyo tababarro ku saabsan arrimaha markaas taagan
  • Caymis dhammaystiran, tusaale ahaan safarka markaad u baxayso
  • Danaha kala duwan ee xilliyada firaaqaha, tusaale ahaan, suuraggalnimada inaad kiraysato guri fasaxa aad ku qaadato

Adeegyada YKA waxaad ku heleysaa luqadaha kala ah: af-finishka, af-iswidhishka iyo af-ingiriiska.

Ku soo biir oo xubin ka noqo YKA! La xidhiidh: jasenasiat@yka.fi.